30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Madaxweynaha Burundi oo ku dhawaaqay inuu Janaayo ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bujumbura (Caasimada Online) – Madaxweynaha Burundi ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa oo gaaraya 5,500 oo askari kala baxayo dalka Soomaaliya, sababo la xiriira mushahar ku dhow hal sano oo aan ciidamadiisa la siin.

Hadalka kasoo baxay Pierre Nkurunziza ayaa astaan kale u ah xiisadda ka dhex oogan Burundi iyo Midowga Yurub oo bixiya lacagta ugu badan ee Amisom.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in haddii aysan lacagta helin bisha January inuu 5,500 kala bixi doono howlgalka AMISOM ee ka kooban 22,000 ee askari ee ka socda qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Ciidamada Burundi ayaan wax lacag ah qaadan muddo 11 bilood ah, xilli uu taagan yahay is-marin waa u dhaxeeya dowladda Burundi iyo Midowga Yurub, kadib markii Midowga Yurub ay Burundi ku eedeeyeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Burundi ayaa waxa ay wajahday dhalleeceyn caalami ah kadib qalalaase siyaasadeed oo dhimsho badnaa, oo ka dhashay markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu sheegay inuu mar saddexaad is-sharxayo, taasi oo dalal badan ay ku sheegeen mid aan dastuuri ahayn.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay rabshadihii arrintaas ka dhashay.

- Advertisement -

Read more

Local News