31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Maxaadan ogeyn oo uu Sanbaloolshe ka wadaa Muqdisho?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi maxamed Cali ”Sanbaloolshe” oo qaabilsan ololaha Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Sanbaloolshe, ayaa diirada saaraya uruurinta iyo la kulanka Xildhibaanada lagu soo doortay magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado oo aan taageero fiican u muujin Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid.

Sanbaloolshe, ayaa kulamada ugu horeeyay la qaatay Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Jowhar oo uu ka dalbaday in codka ay siiyaan Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid waxa uuna ku dhiiri galiyay inay tashkiiliyaan Xildhibaanada kale.

Sanbaloolshe, waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaara la qaatay Xildhibaano lagu soo doortay magaalada Cadaado si ay garab ugu muujiyaan Cumar C/rashiid.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdullaahi maxamed Cali ”Sanbaloolshe” ayaa la xaqiijiyay inuu lahaa fekerka Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid uu kula kulmay Xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Cadaado.

Dhinaca kale, Sambaloolshe ayaa iminka wada dadaal uu kuwada kulmin doono Xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Jowhar iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

 

- Advertisement -

Read more

Local News