30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Muqdisho: Sheekh Shariif oo muddo kadib maanta la filayo in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Wararka ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegaya in barqanimada maanta la filayo inuu garoonka diyaaraddaha Muqdisho kasoo dego Madaxweynihii hore ee dalka,Sheekh Shariif Sh. Axmed ahna murashax mar kale u tartamaya jagada Madaxweyne.

Abaabul loogu jiro soo dhoweyntiisa ayaa ka socota Muqdisho, waxaana diyaaradda uu kasoo raaco magaalada Nairobi ay soo caga dhigan doontaa Muqdisho 10:00 subaxnimo xiliga Muqdisho.

SHeekh Shariif, ayaa ololihiisa doorasho ee magaalada Muqdisho gaabis ahaayeen, walow ay wadeen kooxdiisa Aala Sheekh, kuwaasi oo xildhibaanada cusub ku lug leh.

Sheekh Shariif ayaa lagu tiriyaa murashaxiinta cad cad ee finaalka imaan doona, wuxuuna haystaa taageero ballaaran iyo xildhibaano taabacsan.

- Advertisement -

Read more

Local News