31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Wasiirkii arimaha dibada Fowsiya Yuusuf oo xildhibaan noqotay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka mid noqotay xubnaha xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa ka mid noqotay xildhibaanada aqalka hoose u matalaya  gobolada Somaliland, maadaama maanta ay guuleysatay.

Fowsiyo oo xilka ay kula tartamayeen  musharixiinta kala ah Caasha Aadan Yuusuf, Qaasim Ismaaciil Axmed iyo Ismaaciil Xasan Jaamac.

Waxaana ay heshay inka badan 44 cod, iyadoo kadib hadal ay jeedisay ugu mahad celisay dadkii doortay.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay xildhibaanada beesha ARab, jufada Cabdalla Carab u matalaysa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kusoo baxay Muuse Ismaaciil Jaamac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News