25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo sawirada: Sida uu u dhacay dilka lamaanihii Soomaalida ahaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dilkaani foosha xun ayaa ka dhacay dalka South Africa, kadib markii nin maseyrsanaa oo Soomaali ah dilay Xaaskiisa hore.

Haweeneyda la dilay oo heysatay dhowr caruur ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Deeqo Yariisey, iyadoo markii danbe uu is dilay ninka dilka geystay oo magaciisa lagu soo koobay Axmed.

Ninkaasi oo horay u qabay Haweeneyda ayaa la sheegay in uu madaxa iska toogtay kadib markii uu ka war helay in loo gacan galinayo booliiska dalka Koonfur Africa.

Haweeneyda la dilay ayaa sidoo kale la sheegay inay ka mid aheyd ganacsatada Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaana waayadii danbe labada marxuum ka dhexeeyay xurguf ku aadan dhanka carruurta.

- Advertisement -

Read more

Local News