Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in dardar ay ku socdaan is diiwaangalinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha BFS iyo ku-xigeenadiisa.
Guddiga ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay arjiyadooda soo gudbiyeen Siddeed Musharax oo u taagan xilalka Guddoonka baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.
Guddiga ayaa sheegay in Musharaxiinta arjiyadooda soo gudbiyay ay kamid yihiin Xildhibaanada kala ah:
1-Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo kasoo jeeda beesha Eelaay ee beelaha Digil iyo Mirifle.
2-Cabdirashid Maxamed Xidig,oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee Daarood.
Sidoo kale, Gudoomiye ku-xigeenada Koowaad iyo kan Labaad ayaa waxaa ilaa iyo hadda tartan ugu jira afar murashax oo kala ah:
1-Jeylani Nuur Iikar.
2-Saciid Xusseen Ciid.
3-Cabdweli Ibrahim Sheekh Muudey.
4-Khadiijo Maxamed Diiriye.
5-Khaalid Macow Cabdiqadir.
6-Cabdiqadir Sheekh Cali Baqdaadi.
Si kastaba ha ahatee, waxaan la garankarin Musharaxa guuleysan doona iyo kan laga guuleysan doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]