Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda magaalada Cadaado lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha maamulka.
Xildhibaanada ayaa mas’uuliyiinta dooneysa xilka Madaxweynino ugu baaqay inay la imaadan arjigooda, si ay uga qeybgalaan doorashada.
Xildhibaan Shariif Arwaax oo kamid ah Xildhibaanada xilka ka qaaday Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qaban doonaan Doorashada Madaxweynaha.
Xildhibaan Shariif Arwaax, waxa uu sheegay in Musharaxiinta looga baahan yahay shuruudo gaara, waxa uuna tilmaamay in shuruudaha ay kamid yihiin Khibrada Musharaxa, Aqoonta uu leeyahay iyo in xilkaasi uu u qalmo.
Isagoo ka hadlaayay shuruudaha ayaa waxa uu yiri ”Waxaan marka hore fiirineynaa khibrada shaqo ee uu leeyahay Musharaxa, qarashka iyo shaahaadooyinka”
Xildhibaanka waxa uu sidoo kale sheegay in codkii kalsoonida kala noqdeen C/kariim Xuseen Guuleed isla markaana ay qof u qalma xilka ku baddali doonaan dhawaan.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka iyo Hogaamiyaha maamulkaasi Cabdikariin Guuleed oo ku adkeysanaya inaan xilka laga qaadin
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

