31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Doorasho dhalisay gacan qaad ay booliska ku wareeren oo Muqdisho ka dhacday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib uga bilowday Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi.

Doorashada ayaa waxaa ku loolamaayay Musharaxiin dhowr ah iyadoo inta ay soctay halkaasi uu ka dhacay gacan qaad dhexmaray Ergada Afar Musharax oo ku loolamaayay Hal kursi.

Ergada uu dhexmaray gacan qaadka ayaa kala taabacsanaa Musharaxiinta kala ah:

1-Qadro Axmed Ibraahim

2-Guuleed Ceydaruus Cige

3-Canab Xasan Kaahin

4-Shukri Cabdi Yuusuf

Ergada gacanqaadka uu dhexmaray ayaa isku adeegsaday Kuraasta iyo Miisaska lagu codeynaayay, iyadoo markii danbe ay soo kala dhexgaleen Ciidamada Booliska ee ku sugnaa halka ay Doorashadu ka dhaceysay oo aheyd xiro gaadiidka Booliska.

Sidoo kale, Doorashada ayaa waxaa kusoo baxay Musharaxiinta kala ah:

1-Cabdiraxmaan Maxamuud Caareeye

2-Sakariye Xuseen Aar

Tani waxa ay imaaneysaa xili Maalmihii lasoo dhaafay ay cabasho dhanka Doorashooyinka ah kasoo yeereysay Odayaasha Beelaha Gobolada Waqooyi ee ku dhaqan Muqdisho iyo Musharaxiinta.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News