28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Warbixinta Ethiopia oo shaacisay nooca heshiis dhexmaray CC iyo Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC) ee xarunteedu tahay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa, ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu heshiis la galay dowladda Kenya.

Hay’adda CDRC ayaa waxa ay la shaqeysaa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, waxaana guddigeeda agaasinka ku jira wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin.

Warbixinta CDRC ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu dowladda Kenya kula heshiiyey in muranka badda Soomaaliya ay ka gaari doonaan heshiis u eexanaya Kenya, haddii uu madaxweyne noqdo, isaga oo taa beddelkeedna dhaafsaday in xukuumadda Nairobi ay taageerto ololihiisa doorashada.

Si kastaba, ayey tiri warbixinta, ma jirto wax damaanad qaadaya in ra’iisul wasaare Sharmaarke uu ka dhabeyn doono ballan-qaadkiisa, haddii la doorto, sababtuna ay tahay in heshiisyadii ku dhisnaa danaha siyaasadeed ee labada dal horey u dhex maray ay carro ka dhaliyeen Muqdisho.

Sidoo kale, waa arrin aan miro-dhal ahayn in loo qaato in baarlamanka Soomaaliya uu ogolaan doono heshiis noocan ah oo qeybo ka mid ah badda Soomaaliya u gacan gelinaya Kenya, ayey tiri warbixinta.

Waxay warbixintu ka digtay in heshiisyada noocan ah ee danaha shaqsiyeed ku dhisan ay caqabad ku noqon karaan arrimaha la xiriira doorashada si ka duwan sida ka muuqata dusha sare.

Waxaa sidoo kale xusid mudan, ayey tiri warbixinta, in heshiis horey u dhex maray Kenya iyo dowlad ku firfircoon siyaasadda Soomaaliya oo Bariga Dhex ah [Waxaa loola jeedaa Imaaraadka] lagu dalbaday in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka ka dego kuna wareejiyo Cumar Cabdirashiid.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ku lug leh, sida warbixintu ay ku doodeyso, qaar ka mid ah shirkadaha shidaalka ee baarista ka wada dhul-badeedka ay Soomaaliya iyo Kenya isku haystaan.

Loolanka ka dhex oogan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa u muuqda loolan hoose oo dhex maraya Ethiopia iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News