Washington DC (Caasimada Online) – Imaam muslim ah ayaa aayadaha qur’aanka kariimka ah ka hor aqriyey madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, inkasta oo Trump uu horey u sheegay inuu muslimiinta ka mamnuucayo Mareykanka.
Imaam Maxamed Magid oo ah agaasimaha xarunta All Dulles Area Muslim Society ee gobolka Virginia ayaa laba aayat oo ka mid ah quraanka ka aqriyey kulan si-dhex galka diimaha kala duwan ah oo uu ka qeyb galay madaxweyne Trump.
Imaam Magid oo ah nin si aad ah loo ixitiraamo ayaa labada aayat kasoo kala qaatay suuradaha Al-Xujarat iyo Al-Ruum, isaga oo kadibna ku macneeyey English, xilli Trump uu dhageysanayey isaga oo aamusan.
Si kastaba qaar ka mid ah muslimiinta ayaa imaamka dhaleeceeyey sababo la xiriira ka qeyb galkiisa kulanka maadaama Trump uu horey u muujiyey Islaam naceyb.

