Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiim Cumar Cameey, ayaa ka hadlay warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, taa oo uu uga hadlaayay xaalada Gabadha Soomaaliyeed ee dhawaan lagu faraxumeeyay degmada Goldogob.
Cameey ayaa ka hor imaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu faraha la galo arrinta Gabadhaasi, waxa uuna sheegay in xaaladeeda Caafimaad ay iyaga ku filan yihiin.
Cameey ayaa sheegay inuu qabo aragti ah in Xasan Sheekh uu garab siiyo boqolaalka Dumar ee lagu fara xumeeyo magaalada Muqdisho.
Cameey waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku dhaqan yihiin Dumar aad u farabadan kuwaa oo aan la xukmid ragii fara xumeeyay isla markaana garab uga baahan Dowlada.
Cameey waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya aysan waxba ka khuseyn gabadha lagu kufsaday Goldogob , islamarkaana ay tahay arin u taal maamulka Puntland.
Dhawaan ayay aheyd markii Wasiirada Haweenka Puntland ay sheegtay in hadalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha uu yahay guul daro, isla markaana aysan habooneyn gabar la dhibaateeyay in ololo doorasho lagu galo.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

