Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deeganka Burjada ceynta oo qiyaastii 4KM dhanka Galbeed kaga beegan Magalaada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay Qarax.
Qaraxa oo ahaa Miino ayaa lagu aasay goob ay Maleeshiyaad hubeysan gadiida uga qaadan lacago baad ah.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba ruux oo kamid ahaa Maleeshiyaadka halkaasi ku qaadan jiray baada, halka Seddex kalana uu Qaraxa kasoo gaaray dhaawac.
Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka kuwaa oo halkaasi kasoo qaaday Meydadka iyo dhaawacyada.
Mid kamid ah Saraakiisha maamulka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in goobta uu Qaraxa ka dhacay ay Isbaarooyin u yiileen Maleeshiyaad, waxa uuna tilmaamay in Khasaaraha uu iyaga ku ekaa.
Geesta kale, Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan miino lagu aasay meel aan ka fogeyn guriga mid ka mid ah odayaasha dhaqanka xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

