Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin, Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Jiidle ayaa shaaca ka qaaday in boob xoogan lagu hayo Kursigii ay ku lahaayen Baarlamaanka Somalia.
Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ayaa sheegay in Kursigaasi uu boob ku hayo Wasiirkii hore ee Dhalinayada iyo Ciyaaradaha Maxamed Cabdullaahi Nuux oo dhawaan magaalada Jowhar ku weeraray Guddiga Doorashada iyo Ergooyinkii codeynaayay.
Waxa ay sheegen in Dowlada Somalia ay kala dileyso Musharaxiinta u tartameysa Kursiga Baarlamaanka ay ku leeyihiin Beesha, waxa ayna Odayaashu sheegen in talaabada noocaani ah ay sumcad darro ku noqon doonto Dowlada sii dhaceysa ee uu hogaaminaayo Xasan Sheekh.
Musharax Axmed Sheekh Nuur oo ka mid ahaa ilaa 4 Musharax oo u tartamayay Kursigaasi ayaa waxa uu sheegay in Beesha Jiidle ay aad uga gilgisheen isku dayga uu kursiga Beeshaasi ku boobayo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, kaasi oo carqaladeeyay doorasho ka dhaceysay Magaalada Jowhar.
Musharax Axmed Sheekh Nuur, ayaa sheegay inuu ka digaayo in Dowlada Somalia ay garabsiiso Musharax gaara, waxa uuna tilmaamay in marnaba aysan ku qanci doonin faragalinta iyo in shaqsi noocaasi ah uu hanto Kursiga Beesha Jiidle.
Musharax Nuur Bocor Jeelle oo kamid ah Musharaxiinta ku tartameysa Kursiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masiirka Beesha Jiidle loo dhibaateeyo hal shaqsi oo ula jeedo Wasiirka Ciyaaraha Maxamed Cabdullaahi Nuux.
Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha ayaa sidoo kale, sheegay inaanu Maxamed Cabdullaahi Nuux Beesha Jiidle u matalikarin Kursiga, isla markaana ay arrin khaldan tahay in shaqsi carqaladeeyay Doorashada dib loo soo doorto.
Dhinaca kale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha ayaa Dowlada Somalia uga digay inay ku sifowdo kala geynta Beesha, waxa ayna tilmaameen in go’aan waliba oo ku aadan Kursigaasi uu yahay mid ka go’a Odayaasha Beesha wixii intaa kasoo harana aysan socon doonin.