27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Sawirro: Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax khasaare geystay ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay wadada Via Balcad ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa qarax ka dhex dhacay gaari nooca raaxada ah.

Goob joogayaal ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in wadadaasi gaar ahaan inta u dhaxeysa Beexaani iyo Isgoyska Markalyoni uu ka dhacay qaraxan.

Gaariga qarxay ayaa yaalla meel la sheegay in lagu sameeyo taayerada Gaadiidka, dhanka degmada Kaaraan, waxaana halkaasi ku dhaawacmay qof la sheegay inuu gaarigaasi wadey.

Ciidamada ammaanka ayaa halka qaraxa uu ka dhacay gaaray, iyaga oo durba bilaabay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Laamiga qaraxan uu ka dhacay waxa uu kamid yahay wadada Via Balcad, waxaana sidoo kale laamigan uu kala qeybiyaa degmooyinka Shibis iyo Kaaraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News