Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu (ICJ) ayaa ku gacan seertay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee ku saabsan dacwadda Soomaaliya ay ku dalbeyso in la cayimo soohdinta badeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Maxkamadda ayaa aqbashay inay dhageysato dacwadda Soomaaliya ay gudbisay ee ku saabsan muranka badda ee Soomaaliya iyo kenya u dhaxeeysa.
Maxkamadda waxay meesha ka saartay diidmada Kenya.
Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014. Kenya waxay iyaduna Maxkamadda u gudbisay diidmo ay dooneyso in ay Maxkamadda ka hor istaagto in ay qaaddo dacwadda.
Maxay ahayd dooda labada dhinac?
Soomaaliya aya horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.
Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.
Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.
Sidaas darteedna dacwaddan ay ka baxsantahay xeer -xeyndaabka maxkamadda maadaama ay maxkamaddu qaado dacwadaha dalalka siyaabo kale ku heshiin waayay.
Qareenada Soomaaliya ayaa hase yeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.
Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh loo soo afjaro murankan.
Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Go’aanka maanta
Sidaas darteed maxkamadda waxay go’aansatay in aqbashay codsiga Soomaaliya, ayna maxkamaddu xaq uleedahay inay dhageysato kiiskan.
Waxaan jecelnahay in dadku fahmaan in tan macanheedu ahayn in badad Soomaaliya loo xukmiyey. Waxa la xukmiyey ayaa ah in maxkamaddu aqbashay codsigii Soomaaliya ee ahaa inay kiiskan dhageysato. Waxayna maxkamaddu diiday diidmadii Kenya ee ahayd in maxkamadduu aysan xaq u lahayn inay kiiskan qaado.
Waa guul horudhac ah oo usoo hoyatay Soomaaliya.
Halkan ka aqri go’aanka maxkamadda
[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2017/02/19330.pdf” width=”700″ height=”1300″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]