Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale Khilaaf ka dhashay kursiga Xildhibaanimo ee uu kusoo baxay Wasiir Max’ed C/llaahi Xassan Nuux, kadib markii Odayaasha Beesha Jidle ay qaadaceen qaabka ay u dhacday Doorashada Kursigaasi.
Ugaaska Beesha Jidle Ugaas C/naasir Ugaas Nuur Ugaas Cusmaan, ayaa sheegay in Doorashada uu kusoo baxay Wasiir Nuux aysan shaqo ku laheyn, waxa uuna tilmaamay in Dhalinyaradii la tartameysay Wasiirka aan dhankooda lasoo marin.
Ugaaska ayaa sheegay in Doorashada Kursiga Beesha ay abaabushay Dowlada Somalia, sidaa darteedna aanu waxba ka khuseyn Doorashada uu kusoo baxay Nuux.
Ugaaska waxa uu sheegay in Kursigaasi aysan aqoonsan doonin Beesha Jidle, isagoo sabab ka dhigay in Wasiir Nuux uu horay u geystay fal Argagixiso oo uu ula jeedo inuu weerar ku qaaday Ergada Doorashada iyo Odayaasha Beesha Jidle ee Jowhar.
”Dowladu waxa ay ka beertay nidaamka u degsanaa Beesha Jidle, waxaan halkaani ka qirayaa in Xubnaha la tartamay Wasiirka aysan aheyn kuwo u diiwaangishan Beesha isla markaana uu Nuux jeebkiisa kala imaaday”
”Ma suuroobi doonto in Boob noocaasi ah lagu furto Kursiga Beesha mana aqoonsan doono in Xildhibaankaasi uu matali karo Beesha waayo dhibaatada uu geystay ayaa hortaal”
Waxa uu sheegay in Musharaxiinta tartanka ugu jiray Kursigaasi aan lagu soo wargalin doorashada, sidaa darteedna ay Doorashada noocaasi ah u aqoonsan doonaan mid boob ah oo Dowlada ay garab kusiineyso Nuux.
Musharaxiinta tartanka kula jiray Wasiir Nuux, ayaa tirro ahaan dhammaa 6 Musharax waxaana goobta Doorashada kusoo xaadiray keliya Wasiir Nuux iyo Gabar uu isaga dhaqaalaha ka bixiyay.
Musharaxiinta u tartameysay Doorashada ayaa kala ahaa:
1-C/llaahi Xassan Nuux
2-Nuur Bocor Jeele (Lama wargalin)
3-C/llahi Axmed Xusein (Lama wargalin)
4-Axmed Sheekh Nuur Cabdi (Lama wargalin)
5-Nasro Axmed Cali Nuur (Lama wargalin)
6-Hinda C/llahi Cumar
Musharaxiinta tartanka ku jiray ayaa sheegay inaan lagu wargalin Doorashada, isla markaana ay ka maqleen Idaacadaha in la doortay Kursiga Beesha.
Geesta kale, Beesha Jidle ayaa soo Bandhigay qoraal qarsoodi ah oo ay is weydaarsadeen Aamino C/llahi Dheeroow oo kamid ah Guddiga Doorashada Beesha Jidle qoraalkaa oo loo diray Wasiir Nuux waxa uuna ahaa (Maamo haddii aan Gabadha keen aan ku dhaheen ceebtan ayaan fadhiisan laheyn, dadaalkeena hal bacaad lagu lisay ayuu noqon lahaa).
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

