Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Ciidamada Cirka Afisiyooni kusoo idlaaday Doorashada Madaxweynaha Somalia.
Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa noqday Maxamed C/laahi Farmaajo, kadib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud Wareegii saddexaad, markii loo gudbi rabay.
Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay, ayaa sheegay inuu muujiyay tanaasul ku aadan inuu tartamo wareega saddexaad, sidaasi awgeedna waxaa Madaxweynaha dalka noqday Maxamed C/laahi Farmaajo.
Guddiga Doorashada ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub loo doortay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) isla markaana Xildhibaanada labada Aqal laga filaayo inay la shaqeeyan Madaxweynaha cusub.
Guddigu waxa uu sheegay in Doorashada ay ku dhacday qaabkii loogu tallo galay isla markaana ay ka fogaadeen Musuqa iyo nin jecleysiga laga cabsiqabay.
Madaxweynaha cusub ayaa waxaa loolan kula jiray Musharaxiin dhan 24 oo markii danbe ay tanaasuleen 3, halka 22 ay quusan waayen ilaa lagu reebo Doorashada.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) 184 Cod
Xasan Sheekh Maxamuud 97 Cod
Sheekh Shariif Sheekh Axmed 46 Cod
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wareegii Seddexaad u tanaasulay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo iminka noqday Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

