25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Ahlu-Sunna oo si cajiib ah uga hadashay guusha madaxweyne Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna ayaa ka hadlay Doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu soo doortay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Ahlu-sunna ayaa sheegtay in Doorashada Farmaajo ay ka dhigan tahay isbedelka ku imaanaya Siyaasada Somalia, waxa ayna tallaabo guul ah ku sheegtay guusha Farmaajo.

Cali Baashi Aadan Faarax oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna ayaa Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ugu baaqay inuu la imaado Siyaasad ka duwan tii uu ku dhaqmaayay Xasan Sheekh.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ayaa sheegay in Dowlada Cusub ay la shaqeyn doonaan waa haddii ay la imaado Siyaasad isbedel ku keenikarto dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu sheegay in hada ay muuqato ifafaalo ku aadan in dalka uu gaaro hormar weyn oo ay ku liibaani doonaan dadka iyo dalka, isagoo sidoo kale sheegay in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna Cali Baashi Aadan Faarax, ayaa Madaxweynaha cusub ugu baaqay in wax muuqda uu ka qabto xaalada taagan waxa uuna ku taliyay in Dowlada Cusub aysan dhexda ka galin howlo aysan qabankarin.

Haddalka Cali Baashi Aadan Faarax, ayaa imaanaya xili inta badan dadka ka faalooda arrimaha Siyaasada ay saadaalinayaan in Madaxweyne Farmaajo uu noqon doono Hogaamiyaha isbedel doonka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News