Madaxweyne Farmaao, waa inuu ra’iisul wasaare u magacaabaa qofka ugu mudan, islamarkaana si daacad ah u bad-baadin kara qaranka Soomaaliya ee daqarada badan ay ku yaalaan, isaga oo aan u eegin qabiilka uu yahay.
Si kastaba, haddii madaxweynaha uu ra’iisul wasaarihiisa ku xusho qabiil, iyo in laga hortago in qabiil kale ay xilkaas heleen, waa qalad weyn oo laga galay qaranka iyo kacdoonkii shacbiyeed ee madaxweynaha geeyey Villa Somalia.
Hadda, oo uu madaxweyne yahay kaliya laba bilood, ayaa koox shufto ah oo Daljir la baxay, oo uu horboodayo Axmed Macallin Fiqi waxay ay isku dayayaan inay u dhiibaan aragti naceyb qabyaaladeed huwan oo loo bixiyey “Abgaal dambe maya”.
Kooxdan, oo aan qabiil gaar ah u daneeneyn, ayaa raba inay arrintan uga faa’iideystaan inay iyaga xilka ra’iisul wasaaraha helaan, ayaga oo u badan beelaha Habar-Gidir iyo Murusade.
Haddii Farmaajo ay noqoto inuu qabyaalad wax ku doorto, ma jiraa qof Mudullood kaga mudan xilkan, mase huri karaa madaxweynaha inuu qalad ka galo beesha Mudullood.
Beesha Mudullood, waa beesha ugu tiro, dhaqaale, deegaan, iyo aqoon badan Hawiye, kana mid ah beelaha ugu weyn Soomaaliya. Maanta waa ay ka maran yihiin saaxadda siyaasadda iyo nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya.
1 – Maamulka Galmudug waxaa madaxweyne la siiyey Habar-Gidir, ku xigeen Mareexaan, halka guddoomiye baarlaman la siiyey Murusade. Sidaas oo ay tahay saddexdaas beelba Mudullood ugama deegaan badna Galguduud iyo Mudug.
2 – Hir-Shabelle waxaa madaxweyne la siiyey Xawaadle, Abgaalna ku xigeen. Beesha Mudulood ayaa xilka madaxweyne ka tanaasushay ayada oo xal ka raadisay in maamulkaas dhismo maadaama uu muddo raagay.
3 – Waa beesha ugu dadka badan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, islamarkaana laga qaado dhaqaalaha lagu biilo dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo iminka madaxweynaha looga dhigay.
4 – Magaaladii ay deganaayeen ee Muqdisho, waa laga reebay federaalka, ayada oo la sheegay in dad ku dhow 3 milyan aysan lahayn wax matallaad ah.
5 – 80% ciidamada milatariga, booliiska iyo nabad-sugidda ee Muqdisho iyo gobollada ku dhow, waxay kasoo jeedaan beeshan, waana kuwa amniga iyo awoodda dowladda Soomaaliya tiirka u ah.
6 – Mar kasta oo xuquuqda beeshan lagu tunto, waxaa loogu cudur daari jiray inay dalka madaxweyne ka yihiin. Hadda xilkaasi waa ay ka degayaan, mana la heli doono qiil dambe oo lagu maareeyoo.
Su’aashu, waxay ay tahay Farmaajo ma huri doonaa qalad uu ka galo Mudullood, haddii uu sidaas sameeyana, kuwa hadda qabyaaladda ku shubaya ee raba inay umadda iska horkeenaan ma u buuxin karaan booska Mudullood?
Waxaan ku kalsoonahay inuu yahay shaqsi waddankiisa jecel, oo aan dhageysan doonin qubxiga Daljir, go’aankiisana ku saleyn doona waxa danta qaranka ay ku jirto ayada oo aan beel gaar ah la colaadin.
W/Q: Cali Xaamud Jimcaale
Muqdisho, Soomaaliya
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

