28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sawirro: Banaanbax lagu taageeray Farmaajo oo markale gilgilay Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online)  – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo diyaariyey banaanbax weyn oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dad farabadan oo qaarkood ay wateen sawirada madaxweynaha Farmaajo ayaa isugu imaaday Taalada Daljirka Daahsoon, waxayna halkaas ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin isbadalka ku dhacay hoggaanka iyo siyaasadda dalka.

Waxaa kasoo muuqday masuuliyiin uu ugu magac dheeraa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Moqadishu Yuusuf Xuseen Jimcaale Boorsaani.

Guddoomiyaha ayaa halkaas farriin kasoo diray isagoo madaxweynaha ka codsaday inuu soo celiyo xaqii la dafiray ee Gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay .

Guddoomiyaha oo ay ka muuqatay dareen kacsan ayaa ku dhawaaqay in xaqii siyaasadda ee Gobolka Banaadir uu maqan yahay isagoo sheegay in aysan ka daali doonin soo dhicinta xaqaas wuxuuna Alle ka baryey in madaxda dowladda Soomaaliya uu qalbigooda kusoo rido xuquuqda Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, Gobolka Banaadir ayaan xubno laga siinin Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo la ogyahay in Gobolada kale ee wadanka ku leeyihiin Xubno matalo.

Haddaba hoos ka daawo sawirada banaanbaxaas gilgilay Mogadishu.

Caasimadda Online

Xafiiska Mogadishu

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News