Axmed Siilaanyo oo digniin culus u diray madaxweyne Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud ”Silaanyo” ayaa mar kale soo dhaweeyay Doorashadda Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Hogaamiyaha Maamulka ayaa Doorashada ka dhacday Somalia ku tilmaamay Doorasho lawada sugaayay waxa uuna sheegay inay tahay mid guul u ah dadka Soomaaliyeed.

Hogaamiyaha Maamulka ayaa hadalkaani sheegay mar uu ka hadlayey Shir ay Labada Gole ee Wakiilladda iyo Guurtida Somaliland ugu codeynayeen Heshiis ay Maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ku gaareen in Saldhig Militeri lasiiyo Dowlada Imaaraadka.

Hogaamiyaha Maamulka Somaliland ayaa Hambalyo kadib sheegay in Madaxweynaha Cusub ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo looga baahan yahay inaanu soo faragalin amuuraha maamulka.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inuusan faragalin kusoo sameyn howlaha maamulka iyo gooni iskutaaga Somaliland.

Nuqul kamid ah haddalka Hogaamiye Axmed Siilaanyo ayaa ahaa ”Waxaan uga digayaa Madaxweynaha Somalia inuu faragelin ku sameeyo Midnimadda Somaliland”

Siilaanyo waxa uu intaa raaciyay in Farmaajo looga baahan yahay inuu ogaado Xaqiiqda iyo Runta Somaliland, waxa uuna ku celcelshay in Somaliland ay tahay Dowlad kamadax-banaan Somalia inteeda kale.

Sidoo kale, Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland ay ilaalin doonto xoriyadeeda isla markaana aysan aqbali doonin in la faragaliyo Siyaasadeeda iyo arrimaha ku xeeran gooni isku taaga Somaliland.

Haddalka Hogaamiye Siilaanyo ayaa imaanaya xili Madaxtooyada Somaliland iyo Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka ay ku kala aragti duwan yihiin Dowlada Cusub ee Somalia u curatay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com