5 dal oo ay tahay in Farmaajo uu ka fiirsado danaha ay ka leeyihiin Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay leedahay cadow badan, waxaana jiro wadamo badan oo u kala cararaya qeyraadka ku jiro dalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ay ka wada sugayaan sida ay rabaan ayaa dhexda uga dhacay shan dal oo sanadihii ugu dambeeyay aad isugu hayay xaalada Soomaaliya.

Waxaana Farmaajo laga sugayaa qaabka diblumaasiyadeed ee uu ula dhaqmo dhamaan shantaasi dal oo kala  ah:

1 – Ethiopia: waxay ku fashilantay damacii siyaasadeed ee ay ka laheyd in markale uu xilka kusoo laabtaa Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna ka aamustay madaxweynaha cusub, iyadoo dusha ka eegeysa dhaqdhaqaaqa madaxweyne Farmaajo.

2 – Masar: Waxay noqotay dowladda kaliya ee wafdi deg deg ah usoo dirtay Muqdisho si ay ula kulmaan madaxweyne Farmaajo, waxay ka dhex aragtay Fursad ah inuu cadaadis ku  saari karo Ethiopia oo leexsatay marin biyood NILE.

3 – Turkiga: Wuxuu si hoose u eegayaa isbadalka siyaadeed ee Soomaaliya laakiin safiirkooda ku sugan Muqdisho ayaa la kulmay Farmaajo, waxaana sidoo kale jira in qadka Teleefoonka ay ku wada hadleen Erdogan iyo Farmaajo, Turkiga ma jecla isbadal keena in masaaliixda geeska Africa Shaki la geliyo.

4 – Imaaraatka Carabta: Wuxuu u muuqdaa mid aah taageero buuxda u heyn Farmaajo, waxaana Farmaajo laga sugayaa sida uu ula macaamiilo maadaama heshiis ay ku heshay Saldhiga meletari ee Berbera.

5 –  Sacuudiga; Wuxuu xiriir deg deg lasoo sameeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa in safarkiisa ugu horeeyo uu ku tago dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com