24.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Garoonka Aadan Cadde oo Saaka faaruq ah iyo ciidamo la dhoobay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xiran Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib markii la amray in shaqo joojin hal maalin ah lagu sameeyo.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa isticmaalaaya Diyaaradaha sida Madaxda Caalamka ee kasoo qeybgali doona Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweynaha oo ka dhaceyso meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde.

Garoonka ayaa waxaa hadda ku sugan Madax farabadan oo ka tirsan DFS kuwaa oo halkaasi ku sugaaya Wufuuda ka qeybgali doonta Munaasabada.

Ciidamo aad u farabadan ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde iyo eeryadiisa,waxaana sidoo kale la adkeeyay dhammaan amniga magaalada Muqdisho.

Bishan gudaheeda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa ay noqoneysaa in la xiro Labo jeer, maadaama 8-dii Bishan oo dhaceysay Doorashadii Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News