26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo ka duulay Muqdisho xili ay munaasabadda socoto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duulay Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Hailemariam Desalegn, ayaa inta ay soctay Khudbadaha dalbaday in loo soo hormariyo qeybta Caleema-saarka kaga aadan Khudbadiisa.

Hailemariam Desalegn, ayaa Khudbadiisa xooga ku saaray xaalada Somalia iyo Hambalyo uu u diraayay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Hailemariam Desalegn, ayaa Garoonka ka dhoofay iyadoo ay wali socto Munaasbada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu cudur daartay.

Hailemariam Desalegn, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay Xil. Maxamed Cumar Carte oo si KMG u ah Ra’isul wasaare ku-xigeenka Dalka.

Munaasabada Caleema-saarka Madaxweynaha JFS ayaa u muuqata mid ku dhacday nidaamkii loogu tallo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News