Xaflada caleema-saarka oo soo idlaatay iyo fafdiga oo ku wajahan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow si rasmi ah usoo idlaaday xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Xafladaasi waxaa ka qaybgalaya Madaxweynayaasha dalalka kala ah Kenya, Jabuuti, Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia, Wakiilo ka socday dalalka Carabta iyo Mas’uuliyiin ka socday dalalka Gobolka.

Xaflada ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxda marti galinta ka heshay Madaxweynaha Qaranka Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Khudbadaha Madaxweynaha Kenya iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia ayaa waxaa kamid ahaa in Somalia ay ka gudubtay marxaladii adkeyd.

Waxa ay labada Mas’uul sheegen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowlada cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa isna sheegay in Somalia ay dib ula soo laabaneyso maqaamkeeda waxa uuna dhankiisa ka sheegay in Dowladiisu ay si muuqata u laba jibaari doonto taageerida Somalia.

Mas’uuliyiinta ay u suuragashay Khudbada ayaa sheegay in Dowlada cusub looga baahan yahay inay ku dadaasho Amniga iyo Cadaalada, waxa ayna sidoo kale, Hambalyo u direen Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo.

Sidoo kale, waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka duuli doona Wafdigii kasoo qeybgalay munaasabada oo isugu jira Madaxweynayaal, Ra’isul wasaare, Wasiiro iyo Diplumaasiyiin heer caalami ah, kuwaa oo dib ugu laabanaaya dalalkooda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida ay Madaxdu u ajiibeen dacwada soo xaadirida ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com