Hadalladii madaxda caalamiga ay ka jeediyeen caleemo-saarka iyo wixii aan ka ogaanay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Goordhaw soo dhammaaday xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka socotay garoonta Aden Cadde.

Xafladda waxaa ka soo qeyb-galay labadii madaxweyne ee Farmaajo ka horreeyay, guddoonka labaqa aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanno, wasiirro iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhinaca kale, waxaa xafladda ku sugnaa sida la sheegay illaa 125 dal wufuud ka kala socota, waxaana ka mid ahaa: Madaxweynaha Djabuti: Ismacil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya: Uhuru Kenyata, Ras’iaul wasaaraha Itoobiya: Heile Mariam Desleign, madaxweyne ku xigeenka Suudaan Xasbu Maxamed, Wasiirka arrimaha dibadda ee Tanzania Augustine Mahiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika: Xamdi Sanad, wakiilka xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta Khalif ibrahim, ergeyga Jaamacadda Carabta: Maxamed Cabddalla Idris, Wakiilka qaramada midoobay Mechael Keating, Ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya Madeira, Ambassador Stephen Schwartz oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo safiiro kale

Khudbadaha xafladda laga soo jeediyay, hambalyada ka sokow, waxaa wehliyay in madaxda iyo dalalkaas ay ballan-qaadeen in ay garab istaagayaan dowladda Farmaajo.

Qaramada Midoobey: Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay ergeyga gaar ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya Mechael Mechael isagoo Soomaalida, AMISOM ugu hambalyeeyay doorashada qaabka ay u dhacday, waxaa uu ballan-qaaday in dowladda ay gacan siin doonaan, waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay far kaligeed fool ka dhaqdo.

Midowga Afrika: Ambassador Madeira oo ah ergeyga gaar ah ee midowga Afrika, waxaa uu ku dheeraaday sida Farmaajo uu qeyb uga ahaa nabadda Muqdisho markii uu ra’isul wasaaraha, soona celiyay ciidamada qalabka sida iyo Booliiska, waxaa uu u mahadceliyay AMISOM. Madeira waxaa uu ballan-qaaday in AMISOM ay mar walbo garab taagan tahay.

Midowga Yurub: Alex Rondos waxaa uu ku bilaabay, in maanta ay tahay maalin Soomaaliyeed, Alex waxaa uu Soomaalida u xusuusiyay in Yurub ay dhibka uga baxday wada shaqeyn iyo is aaminid, haddii taasi ay dhacdo Rondos waxaa uu leeyahay Soomaaliya ayaa caawin doonto Yurub.

Jaamacadda Carbta: ergeyga xogheyaha guud ee jaamacadda Carabta Khalil Ibrahim waxaa uu Soomaalida ku ammaanay sida sadex madaxweyne ay hal meel u istaageen oo ay isugu hambalyeeyeen, waxaa uu sheegay in labo arrin ay soo jiiteen, doorashada madaxweye heysto taageerada gudaha iyo dibadda iyo dimoqoraadiyadda aad ku dhiseysaan, Soomaaliya ha noolaato ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Heile Mariam Desleign: Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxaa uu sheegay in Soomaalida ay taariikh dhigeen, waxaa uu ka hadlay in Soomaalida uun ay go’aan ka gaari lahaa mustaqbalkooda, waxaa uu Farmaajo ku bogaadiyay doorashada isagoo ballan-qaaday in isaga iyo shacabkiisa ay garab istaagaan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa. Desleign waxaa uu Soomaalida ku taliyay in ay noqdaan mid xagga wanaagga u socota, waxaa uuna u hambalyeeyay madaxweyne Farmaajo.

Uhuru Kenyata: Madaxweynaha Kenya waxaa uu xafladda ka sheegay in doorashada Soomaaliya ka dhacday ay tahay doorasho lagu faano, waxaa uu ku dheeraaday sida isaga iyo dowladdiisa ay xiriir soke ula yeesheen Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com