Hoobiyayaal lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir gaar ahaan Agagaarka xaafada Kaawo-godey ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhaceen Hoobiyayaal dhowr ah.

Hoobiyayaasha oo gaaraya ilaa Seddex xabo ayaan la ogeyn halka laga soo tuuray, waxaana lasoo warinayaa in Hoobiyayaashaasi ay geysteen Khasaaro kala duwan.

Mid kamid ah Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay guri ay degnaayen dad shacab ah oo ku yaalla xaafada Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Hoobiyayaasha ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa Shan ruux oo u badan haween iyo carruur, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Hoobiyayaasha ayaa xaafadaasi lagu duqeeyay saacado kadib markii ay soo idlaatay Munaasabada Caleema-saarka.

Hay’adaha amaanka ayaa baadi-goob ugu jira halka laga soo tuuray Hoobiyayaasha dhowrka ah ee Khasaaraha u geystay dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com