Jowhar (Caasimada Online) – Waxa lasoo warinayaa in Khilaaf uu ka dhashay Wareegto uu Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble Siyaad ku magacaabi lahaa Golaha Wasiirada maamulkiisa.
Khilaafka ayaa soo ifbaxay kadib markii laga warhelay in Hogaamiyaha uu ka weecanaayo awood qeybsiga Golaha Wasiirada oo ay ka hor imaaden beelo dhowr ah oo la sheegay in loo magacaabi rabay xilal aysan mudneyn.
Hogaamiyaha ayaa doonaaya in Wasiirada ugu muhiimsan uu u magacaabo beelaha ugu tunka weyn, halka Beelaha laga saari lahaa liiska Wasiirada muhiimka ah ay qaadaceen qorshaha uu waday Hogaamiye Cosoble.
Khilaafka xoogiisa ayaa ka taagan qaabka ay labada gobol u qeybsan lahaayeen golaha wasiirada iyadoo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ka soo jeeda ay ku doodayaan in saddex qeybood oo labo qeyb ay golaha wasiirada ka yimaadaan gobolka Hiiraan.
Waxaa arrinkaani kasoo horjeestay Siyaasiyiinta gobolka Sh/dhexe oo iyaguna doonaya in labo loo qeybiyo maadaama labo gobol ay ku midoobeen dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Murankaani kadib ayaa waxaa digniino kasoo saaray qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda labada Gobol kuwaa oo Hogaamiyaha maamulka uga digay inuu dhinac ka noqdo khilaafka.
Xildhibaanada waxa ay sidoo kale, ka digeen in Cosoble uu ku degdego magacaabista golaha wasiirada, iyagoo taa bedelkeeda ka dalbaday inuu dib dhigo magacaabida.
Dhinaca kale, Khilaafkaani ayaa imaanaya xili 24-ka bishan ay ku egtahay mudada Baarlamaanka Hirshabeelle uu siiyay inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

