Caasho Geelle oo sheegtay cidda fashilin doonta madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka iyo Arimaha qoyska ee maamulka Puntland Marwo Caasho Geele, ayaa sheegtay in Madaxweyne waliba ee soo mara Somalia uu xilka qabto isagoo farqaha la heysto.

Caasho Geele, waxa ay sheegtay in Dowlad waliba ay fashiliyaan dadka soo doorta oo ay ula jeedo Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, waxa ayna tilmaantay inaanu dadkaasi ka dhamaan Dowlada ay soo dhisaan.

Caasho Geele, waxa ay tilmaantay in sababta ay u fashilinayaan Madxaweynaha ay soo doortaan ay tahay inay ka waayan ujeedkooda ama ay doonayaan in Madaxweynaha ay u fadhiistaan mus danbeedka, sida ay hadalka u dhigtay.

Iyadoo arrinta fashilinta ka hadleysa ayey tiri “Madaxwaynayaasha waxaa fashiliya dadkii doortay, Soomaali baa doorata Soomaali baana fashilisa, madaxwaynayaasha dadka fashiliya waxaa ugu horeeya dadkii ololaha doorashada la soo galay, sidaas baana uga baqayaa Farmaajo”

”Dadkaasi waxa ay rabaan in waxa ay jecel yihiin ay ku hogaamiyaan markaa dadkaas madaxwaynahu waa u dhago lugul yahay marka dadkaas ayaa dhib ku noqda Dowlada la dhiso”.

Caasho Geele, waxa ay sidoo kale sheegtay in Xildhibaanada ay mudan yihiin inay ku ekaadan sharci dajinta, waxa ayna taa bedelkeeda sheegtay inay doonayaan inay ku milmaan xukumada.

Dhinaca kale, Caasho Geele, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqday inuu ka faa’iideysto fursadaha horyaal waxa ayna ka digtay inuu kamid noqdo Madaxweynayaashii hore ee dhaliisha loo jeediyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com