DF oo go’aan aan la fileynin ka qaadatay canshuurta sharci darada ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, ayaa waxaa lagu hakiyay Canshuuro Sharci darro ah ee laga qaadi jiray Ganacsatada Soomaaliyeed.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ilaa iyo amar danbe la hakiyay Khidmada lasiiyo rugta Ganacsiga.

Hanti dhowrka Qaranka waxa uu sheegay in sababaha loo hakiyay ay qeyb ka tahay Cabashooyinka isdabajooga ah ee ka imaaneysa Ganacsatada.

Ganacsatada ayaa cabasho xoogan ka muujinayay Khidmadda qaadisteeda ay Mas’uulka ka tahay Rugta Ganacsiga iyo shaqsiyaad si iskood ah Ganacsatada uga aruuriya lacago ay ku sheegeen Canshuuraad.