28.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Dhageyso: Maxaa baajiyey socdaalkii madaxweynaha ee suuqa Bakaaraha?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday maanta inuu booqdo Suuqa  Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo saaka gubtay,

Sababta baajisay socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay tahay isku dhex yaac iyo xaalad amni oo ka jirtay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana dib loo dhigay qorshaha uu lahaa.

Taliyaha ciidamada NISA Mr Gaafow iyo masuuliyiin la socotay ayaa tagay suuqa bakaaraha iyaga oo dadweynaha kula hadlay goobta uu dabka ka kacay.

Taliyaha wuxuu u sheegay dadweynaha uu la kulmay in salaan uu ka waday madaxweyne Farmaajo uuna ka murugeysnaa waxyaabaha ka dhacay Suuqa Bakaaraha, uuna jeclaa inuu suuq yimaado balse laga baajiyey.

Sidoo kale Generaal Gaafow ayaa sheegay in madaxweynaha uu la murugeysnaa dadka ku hanti beelay Suuqa, isagoo sheegay inuu tagi doono goobta.

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa dabka ka kacay waxaa lagu sheegay inuu ahaa midkii ugu xooganaa, maadaama uu si dhaqso ah ku gaaray goobo badan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalin kastaa kumanaan canshuur ah ka qaada ganacsatada Suuqa Bakaaraha, waxaana maanta daminta dabka ka qeyb qaadanayay kaliya Dab Damiska Shirkada Hormuud.

Waxaaa meesha ka muuqaneysa i nay dayacaad jirto, iyadoo Farmaajo laga sugayo inuu la xisaab tamaa maamulka gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News