27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: Farmaajo oo R/W Kheyre uga digay in 3 arrin laga helo xukuumadiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaalida Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay Xukuumada la filaayo inuu soo dhiso Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kheyre looga baahan yahay inuu soo dhiso Xukuumad ka caafimaad qabta Seddex arrin sida Tuhun, Khilaaf iyo Isqabqabsi Siyaasadeed, waxa uuna tilmaamay in Xukuumada ay doonayaan ay noqon doonto mid tayo leh.

“Waxaa mahad mudan Xildhibaanada Baarlamaanka ee codka Kalsoonida siiyay Ra’isul wasaaraha, marba haddii la aaminay Kheyre waxaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad ka caafimaad qabta Tuhun iyo Khilaaf”

”Waxaan xaqiijinayaa in Ra’isul wasaaraha laga doonaayo Xukuumad tayo leh, lama aqbali doono tuhun iyo inuu soo magacaabo Wasiiro aan tayo laheyn”

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa goortii uu jeedinayey khudbadiisa kalsooni weydiisashada waxuu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh.

“Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’isul wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Cabdirasaaq Xaaji Xuseen”

Ra’isal wasaaraha Xukuumada ayaa xildhibaanada u xaqiijiyay inuu si dhaqso leh u soo dhisi doono xukuumad tayo leh, uuna wadatashi dhinac kastaba leh la wadaagi doono qeybaha ay khuseyso, si loo helo xukuumada ku fadhida matalaad buuxda iyo kalsoonida shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News