R/W Kheyre oo shaaciyay talaabada ugu horeysa oo ay qaadi doonto Xukuumadiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Ra’isul wasaaranimo ee dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa inta lagu guda jiray ka hadlay xaaladaha adag ee uu ku jiro dalka, waxa uuna sheegay in Xukuumadiisu laga filan doono cadaalad iyo sinaan lagu maamulo dalka.

Kheyre ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa oo ay qaadi doonto xukuumadiisu ay tahay wax ka qabashada Abaaraha ka taagan dalka, waxa uuna tilmaamay in wixii intaa ka danbeeya loo soo jeesan doono howlaha adag ee horyaal Xukuumada.

”Xukuumadu waxa ay u jilicsan tahay fulinta wax waliba oo ku xeeran baahiyaha bulshada, talaabada ugu horeysa oo aan qaadi doono waxa ay noqon doontaa wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka”

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha ayaa Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in Xukuumadiisa lagu soo dhaweeyo gacmo furan, waxa uuna cod dheer ku sheegay in laga filan doono horumar iyo Somalia oo ka hanaqaada halka ay maanta taagan tahay.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ballanqaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ay ku riyaaqi doonaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com