26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawir: Qarax culus oo goordhow ka dhacay magaalada Kismaayo & Khasaaro ka dhashay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, gaar ahaan Xaafada Xaafada Farjano.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha Qarxa kaa oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Ruuxaani isa soo miidaamiyay ayaa la sheegay inuu ku dhex qarxay goob ay ku sugnaayen dad shacab ah, sida laga soo xigtay dad Goobjoogayaal ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland waxa ayna halkaa ku xireen dhowr qof oo la sheegay inay ku cusbaayen Xaafadda.

Ciidamada ayaa iminka wada baaritaan xoogan waxaana la sheegayaa in dadka ku dhaawacmay Qaraxa la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

ma jirto cid wax ku noqotay oo lasoo sheegay ilaa hadda marka laga reebo qof uu ku qarxay Gaariga la aaminsan yahay inuu ujeedkiisa ahaa inuu meel kale isku qarxiyo

Qaraxaani ismiidaaminta ah ayaa kusoo beegmaaya xili maanta 2 Qarax oo loo adeegsaday gawaari ka dhaceen Magaalada Muqdisho.

Caasimadda Online ayaa heshay sawirka ninkii isku qarxiyey gaariga

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News