Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Dowladiisu ay xooga saari doonto Amniga dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in Amniga uu ku bixin doono dhaqaalaha ugu badan, isla markaana uusan ka aamusi doonin in Hay’adaha amaanka ay dayacaan Amniga.
Magaalada Muqdisho, ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo marti galineysay Qaraxyo iyo dilal lala eeganaayo Shaqaalaha Dowlada iyo dadka shacabka ah.
Qaraxyada ayaa isugu jira kuwo ismiidaamin ah, kuwo lagu xiro gaadiidka shaqaalaha Dowlada iyo kuwa lagu weeraro goobaha Ciidamada ay ku sugan yihiin.
Qaraxyada ayaa waxaa ka badan dilalka loo geysanaayo Shaqaalaha Dowlada, Odayaasha iyo Shacabka maatida ah, waxa ayna musiibooyinkaani muujinayaan in Hay’adaha amaanka Dowlada ay dayaceen wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho.
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa bilowgii Doorashada Somalia ee uu kusoo baxay Madaxweyne Farmaajo muujiyay taageero xad dhaaf ah, iyagoo Farmaajo ku amaanay hal ku dhigyada Amniga iyo Cadaalada waxaana iminka muuqaneysa in isbedel uu ku imaan doono Taageerada Farmaajo, haddii aan wax laga bedelin Amni darida ka taagan dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Waxyaabaha ay shacabka ku taageeren Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa isbedelka Amniga, Cadaalada iyo dib usoo celinta Horumarka, waxaana haddalka iyo ballanqaadka Madaxweynaha kadib ay magaalada Muqdisho marti galisay amni darro heerkii ugu sareeyay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa laga yaabaa in Shacabka Muqdisho uu kala kulmo kalsooni darro maadaama Dowladiisu aysan wali qaadin talaabo lagu xoojinaayo amniga magaalada Muqdisho.
Dhaliisha ugu badan ee Amni darrida ayaa dusha looga tuuray Taliyayaasha Hay’adaha amaanka oo qaarkood aan kawarqabin waxyaabaha ka dhacaaya dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inay la imaado isbedel dhanka Amniga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]