Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Xaabo oo 5-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Caluula ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka taagan tahay xiisad.
Wararku waxa ay sheegayaan in xiisada ay tahay mid u dhexeysa Ciidamada maamulka Puntland iyo Kooxdii Afduubatay Markabka.
Dadka ku dhow dhow deegaanka ay ka taagan tahay xiisada ayaa sheegay in la arkaayo ciidamo ka tirsan maamulka oo aad u hubeysan kuwaa oo duulaan ku ah Kooxaha wali heysta Markabka.
Ciidamada Puntland ayaa ku hubeysan Hub kala duwan oo ay ku doonayaan inay kusoo furtaan Markabka, halka Kooxaha afduubka ku heysta Markabka ay iyaguna wataan Hub aad u farabadan.
Xiisadan ayaa timid kadib markii kooxdii Burcad badeeda ee Afduubatay Markabka ay la aadeen Degaanka Xaabo oo 5-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Caluula, waxaana dhabagal ku haya Ciidamada Puntland.
Ciidamada Maamulka Puntland oo isugu jira kuwa Badda iyo dhulka ayaa shalay waxa ay gaareen degmada Caluula ee Gobolka Bari oo ah halka Kooxda dhalinyarada ah ay ku heystaan Markabka.
Xaalada ayaa ah mid adag waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Kooxaha Afduubka geystay.
Dhinaca kale, dadka qaar ayaa isaga baxaaya eeryada deegaanka ay ka socto gulufta.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]