Xaqiiq: Yuusuf Garaad oo noqday wasiirka A/Dibadda + Shaqsiga noqonaya wasiirka amniga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha wasiirada iyadoo ay xaadir ku yihiin Villa Soomaaliya dhammaan saxaafadda oo saakay lopo yeeray.

Haddaba Caasimadda Online ayaa si xaqiiq ah u ogaatay inuu Yuusuf Garaad noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya.

Warkaan ayaa waxaa si rasmi ah nalooga xaqiijiyey xafiiska Ra’isuwlasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna Yuusuf booska ugu fadhiyaa Beesha Habargidir.

Sidoo kale  Ducaale ayaa laga dhigay wasiirka amniga qaranka, warkaana isna waa xaqiiq rasmi ah oo ay heshay Caasimadda Online.

Wuxuna Ducaale kasoo jeedaa Beesha Abgaal, waxayna labadaan wasiir ahaayeen kuwa si weyn loo raadinayey in la ogaado.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waa idinla soo socod siin doonaa, sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doonaa liiska wasiirada oo dhameystiran.

Sidoo kale waxaan qorsheeneynaa inaan idiin soo gudbino Qabiilada wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com