31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Khilaafkii Jawaari kala dhaxeeyey Farmaajo Iyo Kheyre oo Saacadaha soo socdo lasoo afjaro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saacadaha soo socdo lasoo afjari doonaa khilaafki weynaa ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari kala dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa madaxtooyada ka dhici rabo kulan heshiisiin ah oo lagu heshiisiinayo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana la filayaa in lasoo gabagabeeyo khilaafkii ku saabsanaa ansixinta wasiirada kadib markii ay mucaaradeyn koox uu gadaal ka riixayey Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa aqbalay inuu la shiro lana fadhiisto madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha si loo dhameeyo arrintaas, ilaa haddana lama qiyaari waxa ay ku heshiin karaan iyo go’aanada soo bixi doono.

Balse waxaaa la qiyaasayaa inuu Jawaari ka tanaasuli doono mucaaradnimadiisa, maadaama meel kasta ay cambaareyn uga timaaday, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in wasiirada la kordhin doono, haddana maahan war sugan oo la isku haleyn karo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu u dhoofo dalka Jordan halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo si rasmi ah u furmi doono berri oo arbaco ah, waxayna midaas caddeeneysaa inuu Madaxweynaha rajo fiican ka leeyahay ansixinta golaha wasiirada,  sababtoo ah haddii uu culeys ka heysto kuma dhiiran laheyn inuu safar iyo kulamo u baxo.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa heysto muddo 3 Maalin ah inuu baarlamaanka hor geeyo qorshaha xukuumadiisa cusub, wuxuuna waqtiga intiisa badan uga baxay khilaaf iyo loolan siyaasadeed oo ku saabsan ansixinta golaha wasiirada.

Inta badan dadka ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo ansixiyo golaha wasiirada maadaama uu dalka ku jiro xaalad abaaro iyo duruuf bini’aadanimo, waxaana baaq soo diray inta badan madaxda maamul Goboleedyada oo ku baaqay inaan laga hor imaaan golaha wasiirada, loona baahan yahay in si deg deg ah loo ansixiyo si loogu gurmado dadka ay abaarta ku saameysay gobolada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska garowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News