28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Kheyre oo dejiyey hab cusub oo lagula xisaabtamo wasiirada iyo shaqaalaha DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisa ay la imaan doonto howlo ka duwan Xukuumadihii hore ee dalka soo maray.

Kheyre waxa uu sheegay in howlaha ay qaban doonaan Wasiirada lagu saleyn doono Sharciga waxa uuna meesha ka saaray inay dhici doonto Wasiir maamusha Hantida Qaranka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu shaaca ka qaaday in Wasiir waliba loo idmi doono howlo gaar, Wasiirkii ka talaabana lala tiigsan doono waxa uu sharciga ka qabo xadgudubkiisa.

”Dadku waxa ay is weydiinayaan waxa ay Xukuumadeydu kaga duwanaan doonto kuwii hore shaki kuma jiro in Xukuumadaasi ay mari doonto dhabo ka adag kuwii hore mana jiri doonto tagrifal”

”Dadku waxa ay walaac iyo cabsi ka qabaan in Xukuumadeydu ay caadeysan doonto Musuq, waxaan qirayaa inaanu jiri doonin Wasiif ku tagrifala Hantida Qaranka”

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu ka shanqariyay in mid mid loola xisaabtami doono Wasiirada waxa uuna cod dheer ku sheegay in goobta lagula xisaabtami doono ay ku sugnaan doonaan Xubnaha ku shaqada leh.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Shaqaalaha Dowlada gaar ahaan kuwa ka howlgala Wasaaradaha ugu baaqay inay la socdaan isla xisaabtanka ay qeybta ka yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News