25.6 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Duuliye geeriyooday xilli uu ku guda jiray duulimaad ay la socdeen rakaab badan (Maxaa dhacay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa Duuliye geeriyooday xilli uu waday diyaarad uu ka soo duuliyey Magaalada Dallas kuna wajahnayd Albuquerque ee New Mexico ee dalka Mareykanka.

Diyaarada uu ku dhex geeriyooday duuliyaha ayaa nooceeda lagu sheegay Boeing 737-800 ayaa 3 km uun u jirtay in ay caga dhigato.

Afhayeen u hadlay shirkadda American Airlines, ayaa sheegay in duuliyaha ka hor inta uusan geeriyoon uu ku qeyla dhaamiyay inay jirto xaalad caafimaad oo deg deg ah, waxaana xigay geeridiisa, sida uu Afhayeenka shirkada sheegay.

Afhayeenka waxa uu sheegay in dhammaan rakaabkii la socday diyaarada ay yihiin kuwo badqaba, hayeeshee uu geeriyooday William Grubbs oo ahaa Duuliyaha diyaarada waday.

Geesta kale, Afhayeenka oo ay xiganayeen Warbaahinta afka dheer ayaa sheegay in markii uu tacbaanay duuliyaha uu Diyaarada la wareegay isla markaana dejiyay kaaliyaha duuliyihii geeriyooday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News