Yaab: Donald Trump oo xil muhiim ah u magacaabay gabar uu dhalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Donald Trump ayaa wali ku guda jira magacaabida xilal kala duwan waxa uuna iminka xil muhiim ah u magacaabay Gabar uu dhalay.

Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo lagu magacaabo Ivanka Trump, ayaa waxaa loo magacaabay inay noqoto La-taliye Madaxweynaha.

Ivanka Trump, ayaa u dhaxda mid kamid ah La-taliyayaasha Madaxweyne Donald Trump oo lagu magacaabo Jared Kushner.

Madaxweyne Donald Trump ayaan wax lacaga kusiin shaqada uu hayo Jared Kushner oo ay u dhaxdo Ivanka Trump oo ah Gabadha uu dhalay Trump.

Gabadhaani ee uu dhalay Donald Trump oo sana jirkeeda lagu sheegay 35-jir, ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka dhex muuqatay Aqalka Cad ee Mareykanka, waxa ayna markeedii hore Xafiis ku lahayd Dhismaha Aqalka Cad.

Ivanka Trump iyo Jared Kushner, ayaan sidoo kale Khibrad u laheyn howlaha ay iminka ka dhex hayaan Aqalka Cad, gaar ahaan Siyaasada dalka Mareykanka.

Lama xaqiijinkaro halka Maamulka Donald Trump uu caga dhigan doono kadib markii Aqalka Cad uu Saldhig u noqday Shaqaale xilal kala duwan haya oo aan Khibrad u laheyn Siyaasada Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com