Mas’uul sheegay in DFS ay cadeyso in Sacuudiga laga iibiyay Dumarka Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa shaki galiyay in Dowlada Somalia ay shaqo dalka Sacuudiga ugu dirtay boqolaal Dumar Soomaali ah kuwaa oo iminka Jaariyad ka ah Guryaha iyo Xafiisyada Sacuudiga.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Dowlada uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo dib ugu laabato Heshiiska ay Dowladii hore la gashay Sacuudiga, waxa uuna tilmaamay inaanu wali ka dhaadhicin Heshiiskaasi.

Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in Dowladda Somalia ay si cad u xaqirtay Gabdhaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dalkaas taasina looga fadhiyo Dowladda Somalia in ay wax ka qabato.

Waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in Dumar Soomaaliyeed lagu aamino Sacuudiga, xili Dowladaha ugu faqiirsan Caalamka ay u cuntami weyday in Dumarkooda ay Heshiis kula galaan Dowlada Sacuudiga.

Dalxa waxa uu intaa ku daray Dumarka Soomaaliyeed ee Shaqaalenimada loogu diray Sacuudiga loola Macaamilo sida in la soo Iibsaday oo kale taasina ay tahay xaqiraad iyo ku Tumasho xuquuqda dhanka Aadanaha ah.

Shan kamid ah Dumarka Soomaalida ay Sacuudiga kula heshiisay Dowladii Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay u dhinteen Xanuuno iyo Jir dil ay u geysteen qoysaskii ay u shaqeynayeen.

Dowladii Xasan Sheekh ee uu waqtigeedu dhamaaday ayaa horay ula saxiixatay Sacuudiga Heshiiska adeegtooyinka Guryaha oo Sacuudiga ay u qaadaneysay Gabdho Soomaaliyeed oo da’dooda ay u dhexeyso 15 ilaa 20 sano jir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com