Taliska socdaalka oo la wareegay gaadiid casri ah oo lagu ilaalinayo xuduudaha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in taliyaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha uu la wareegay gadiid casri ah.

Gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi ayaa tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si uu halkaasi ugala wareego gaadiidkaasi oo ah mid casri ah, sida la sheegayna xuduudaha lagu ilaalin doono.

Gaadiidkan ayaa waxaa lagu wareejin doonaa xarumaha kala duwan ee ay hay’adda socdaalka ku leedahay deegaanada dhaca dhanka xuduudaha gaar ahaan degmooyinka Dhoobleey iyo deegaano kale.

Agaasimaha hay’adda socdaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday dadaalo lagu hormarinayo hay’adda, waxaana dhawaan uu kasoo laabtay dalka Rwanda oo uu kaga qeyb galay barnaamij lagu horumarinayo xirfadda shaqaalaha Hay’adda.

DHawaan ayaa waxaa Koofi uu shaaciyay in dib loosoo celin doono adeegyadii hay’adda ee dhanka xuduudaha, loona baahan yahay in dib loo furo dhamaan goobaha hay’adda ay ku shaqeyn jirtay.

Gaadiidkaan ayaa qeyb ka qaadan doono xaqiijinta dhanka amaanka ee deegaanada Hay’adda iyo shaqaalaheeda ka howlgalayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com