Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Taliyeyaasha xilalka laga qaaday ku daray Taliyihii Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ”Bashiir Goobe”.
Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo lana horgeeyay Golaha Wasiirada, ayaa xilka looga qaaday Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyadoona lagu soo bedelay General Xuseen Xasan Cismaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Taliyiha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay u garteen inuu yahay General Xuseen Xasan Cismaan, kadib markii la gartay inuu kasoo bixikaro xilka loo magacaabay.
Taliyaha cusub ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, General Xuseen Xasan Cismaan ayaa horay u soo noqday Taliyaha Ciidamada Asluubta.
General Xuseen Xasan Cismaan, ayaa xiligii laga qaaday xilka Taliska Ciidamada Asluubta wareejiyay 9-kii bishii May ee sanadkii 2015-ka, waxa uuna xilkaasi ku wareejiyay Sareeye Guud Bashiir Goobe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isbedelka uu saameyn doono dhammaan Mas’uuliyiinta xilalka ka heysa Dowlada Federaalka ah ee Somalia.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa wali ku guda jira xil ka qaadis iyo magacaabid waxaana la filayaa in saacadaha fooda nagu soo heysa uu magacaabi doono xilal kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]