Taliye ku xigeenka NISA oo la magacaabay + Magaca iyo beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – War iminka naga soo gaaray xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu magacaabay Taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Wararku waxa ay sheegayaan in xilka Taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida loo magacaabay C/Fitaax Ibraahim Shaawey oo kasoo jeeda Beesha Hawiye, gaar ahaan Murusade.

C/fitaax Shaawey ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu wato Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, oo ay isku dhow yihiin.

C/fitaax Shaawey ayaa iminka ah Taliye ku-xigeenka Howlgala Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia, waxa uuna kamid yahay Saraakiil dhowr ah oo dhawaan uu dalacsiiyay Taliyihii hore ee NISA Gen. Gaafow.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa maanta ku dhaqaaqay xil ka qaadis iyo magacaabid, waxa ayna magacaabidaani qeyb ka noqon doontaa isbedelka uu wado Farmaajo.

Taliyaha NISA ayaa waxaa maanta loo magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Sambaloolshe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com