Dowlada Farmaajo oo dhinac waliba ka shabahday Dowladii Damul-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay shaaca uga qaaday in Dowladiisa ay ka duwanaan doonto Dowladihii hore usoo maray dalka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in Dowladiisa ay la imaan doonto Isbedel muuqda isla markaana ka duwanaan doona Dowladihii horay uga soo arimiyay dalka.

Farmaajo ayaa goortii uu la wareegay xilka bilaabay in Dowladiisa uu u ekeysiiyo Dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna xilkii ugu horeeya ee Ra’isul wasaaranimo u magacaabay Xasan Kheyre oo ahaa la-taliyihii gaarka ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Talaabada labaad ee uu qaaday Farmaajo ayaa noqotay in Siyaasiyiin ku dhow dhow Xasan Sheekh Maxamuud lagu biiriyo Golaha Wasiirada Xukuumada Somala.

Dowlada Farmaajo ayaa sidoo kale aad u shabahda Dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna dib usoo celiyay Siyaasiyiin xilal kala duwan ka hayay Dowladii Xasan Sheekh oo ku fashilmay xilalkaasi.

Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay laguna eedeeyay Fashil kadib markii uu ka gudbay sharciga isla markaana ku xadgudbay Xildhibaanada BFS.

Sanbaloolshe waxa ay saaxiib dhow ahaayen Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna xubin firfircoon ka yahay Kooxda Damul-Jadiid.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada xiliga Xasan Sheekh, waxaana xusid mudan in xubin firfircoon uu ka yahay Kooxda Damul-Jadiid.

Xiriirka Taabid Cabdi iyo Xasan Sheekh ayaa xoogeystay markii Taabid uu guursaday gabarta ay dhashay Madaxweynaha Walaashiisa Nuurto Sheekh Maxamed.

Taliyaha ciidanka Booliska waxaa loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid, oo xil kasoo qabtay Dowladii uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud oo markaa lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay Hantida Booliska.

Dadka qaar ayaa qaba in Madaxweyne Farmaajo uu ka weecday Siyaasadii cusubeyd ee laga sugaayay inuu ka dhaqan galiyo dalka, waxa uuna dib usoo celshay Xubno horay ugu soo fashilmay xilalkii ay hayeen.

Heshiiska dhexmaray Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qeyb ka ahaa in Farmaajo kalsooni looga abuuro 92 Xildhibaan oo ka tirsan BFS isla markaana ah Damul-Jadiid.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxaaya mugdi muujinaaya in Madaxweyne Farmaajo uu ku feelay Xasan Sheekh Maxamuud waxa ayna Su’aashu tahay waxa ay qaban doonaan Shaqsiyaadka la magacaabay ee horay ugu fashilmay xilalkii ay soo qabteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com