Taliyaayasha ciidamada oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

By Saalax Saciid Sabriye

Kulan xasaasi ah oo u socda Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.

Kulan xasaasi ah oo u socda Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.

Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay.

Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in xilka Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

Magacaabistaan ayaa lagu soo bandhigay kulanka ay yeelanayaan Golaha wasiirada oo ahaa mid lagu dajinayey Istaraatiijada lagu sugi lahaa amniga Soomaaliya.