28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Xog: Lix mas’uul oo sare oo ay ku soo socoto xil qaadista Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa wali ku guda jira xil ka qaadista Madaxda Dowlada FS ee uu horay u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa iminka miiska u saaran mas’uuliyiin dhowr ah oo aan ilaa iyo hadda lagu sameyn xil ka qaadis.

Mas’uuliyiinta miiska u saaran Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ah:

1-Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir.

2-Hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

3-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahin Iidle Saleebaan.

4-Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed.

5-Taliyaha laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha General Maxamed Aadan Koofi.

6-Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa lagu wadaa inay is raaciyaan xil ka qaadista Mas’uuliyiinta kor ku xusan oo la rumeysan yahay inay hayaan xilal ahmiyad u leh Madaxweynaha.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaaya warar sheegaya in mas’uuliyiintaani xilka laga qaadi doono kadib meelmarinta mas’uuliyiinta la magacaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News