Yaa lala eegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow uu Qarax xoogan ka dhacay meel ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa kaa oo dhexda ka galay Kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga.

Gaadiidka la qarxiyay ayaa la sheegay inuu la socday Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid.

Gaariga ayaa la sheegay inuu kaxeynaayay qof naftii hure ah ayaa ku dhiftay gaariga uu saarnaa Taliyaha oo ahaa kuwa aan xabadaha karin.

Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, ayaa markaa kasoo baxay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana lagu weeraray inta u dhaxeysa xarunta Wasaaradda iyo Kulyaddii Jaalle Siyaad.

Taliyaha ayaa ka badbaaday Qaraxa, waxaana jira warar sheegaya inaanu soo gaarin wax dhaawac ah, walow Saraakiishu ay ka gaabsadeen inay ka warbixiyaan xaalada.

Dhinaca kale, Dadka dhintay ayaa waxaa u badnaa Ilaalada Taliyaha, waxaana jira dad kale oo rayid ah oo wadada marayay oo iyana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com