Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa shalay shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii guud ee wasaaaradaas Bahlaawi oo ahaa agaasimihii ugu waqtiga dheeraa ee xil ka hayo dowladda Soomaaliya.
Haddaba waxaa la is waydiinayey awood u ogolaan karto wasiir inuu shaqo joojin ku sameeyo agaasimayaasha wasaaradda, waxaana arrintaas ka dhalatay Muran keenay inuu Bahlaawi diido shaqo joojintii lagu sameeyey.
Haddaba, tallaabada uu qaaday Wasiirka Warfaafinta ayaa timaaday kadib markii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre awood buuxda u siiyey dhammaan wasiirada shaqo joojin ku sameyn karan agaasimayaasha iyo shaqaalaha dowladda ee lagu helo musuq maasuq.
Kheyre ayaa wasiirada oo dhan kala hadlay arrinta ku saabsan kordhinta dakhliga soo gala dowladda, la-dagaalanka musuqa iyo la-xisaabtanka madaxda iyo shaqaalaha wasaaradahooda, wuxuuna awood u siiyay wasiirada cusub inay shaqada ka joojiyaan qof kasta oo ay ku arkaan shaqo xumo, musuq iyo wax isdaba marin, isaguna uu xilka ka qaadi doono, iyadoo aan haba yaraatee loo eegin qofka uu yahay iyo cidda uu kasoo jeedo.
Ra’isulwasaare Kheyre ayaa noqday inta la xasuusto Ra’isulwasaare awood intaas la eg siiyey wasiiradiisa, waxaana durba soo baxday saameynta ay yeelatay awoodda dheeriga ah la siiyey wasiirada cusub ee Xukuumadda Kheyre.
Ra’isulwasaaraha ayaa xilka ka qaadi doono agaasime kasta oo ay wasiirada ku sameeyaan shaqo joojin, wuxuuna arrintaa ballan adag uga hor qaaday dhammaan wasiirada.
Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inay arrintaas ka dhallan karto dhibaato iyo Khilaaf ka dhex dhasho wasiirada ityo shaqaalaha wasaaradaha ay ka arrimiyaan, waxaana fiicnaan laheyd inuu Ra’isulwasaraha qaato go’aanada agaasimayaasha xilka looga qaadayo, marka ay wasiirada usoo gudbiyaan codsigaas.
Bahlaawi ayaa dooday inuusan wasiirka awood u laheyn inuu xilka ka qaado, arrintaas ay tahay mid sharci darro ah, aysan macquul aheyn inuu aqbalo
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]